Lugta marna makaa qabtay xidid ? Dareen wadka dheer ee ku qotoma lafta xangulaha ilaa lugta cidhibteeda waa mid ka mid ah kaararka ugu xanuunka badan ee qofku uu wajaho. waxa ugu badan ee sababa waa cadaadis saaid ah oo saarma neerafka ,caabuq ku dhaca neerafka dareenka siiya lugta iyo jug gaadha lugta siiba misisgta iyo sinta. Jugta ama dhaawacu …
Nalka oo ifaya waxa uu kordhiyaa xanuunada wadnaha iyo khatarta sonkorowga/macaanka. waxa lagu ogaaday baadhis(research ). Iftiinku waa dareen saamayn ku leh hurdadeena ,waa saacadda toosisa unugyada hoose ee jidhka ,waxa uu maamulaa habraacyo iyo habjawaabis unugyada hoose ,iftiinkaas waxa uu toosiyaa unugyada hurdada ,unugyaduna waxa ay soo daayaan hoormoono(hormone ), oo badanaa lasoo daayo maalintii xasuusnow qofku uu hurdaa …
Dad badan ayaa isticmaala daawooyinka sanka laga qaato sida daawooyinka lagu yareeyo cabudhka iyo dareeraha sanka. Si ay u yareeyaan astaamaha durayga sida hindhisada ,cabudhka & duufka. Dadku aad ayey u jecelyihiin isticmaalka daawooyinka cabudhka biiya waayo cabudhku waa xaalad aad u daran oo kaa khalkhalinaysa jawigaad ku jirtay . Muddo kabadan 3 cisho hadii aad isticmaashid waxa jidhkaagu uu …
Laga bilaabo qorsheynta cuntada ilaa jimicsiga caadiga ah, waxaa jira dhowr siyaabood oo lagu caawinayo maaraynta cudurka macaanka. Si kastaba ha noqotee, hal dhinac oo cudurka ah oo aan inta badan laga hadlin waa khatarta boogaha cagaha. Boogaha cagaha ee macaanku waxay ku dhacaan qiyaastii 25 boqolkiiba kiisaska sonkorowga – waa tiro naxdin leh. 20-kii ilbiriqsi kasta xubin ayaa lunta/lajaraa …